(Akhriso): Khudbada Maanta Ee Musharaxiinta Jubbaland.

0
255

Magaaladda Kismaayo waxaa si habsami leh uga soconeyso Hadal Jeedinta Musharaxinta Utaagan Xilka Madaxtinimadda Maamulka Jubbaland.

Howlka Doorashadda Waxaa ku sugan Dhammaan Xildhibaanadda Jubbaland iyadda oo Musharaxiintuna ay jeedinayaan Khudbadahoodii Kalsooni kasbashada ahaa.

Ilaa afar musharax ayaa Baarlamaanka uga shekeyn doono Maanta Waxa ay qavandoonaan hadii Codka loogu shubo.

Musharaxiinta khudbadahooda jeediyey maanta waxaa kamida musharax madaxweynaha jubbaland Canab Maxamed Daahir.

Musharax Madaxweynaha jubbaland Canab Maxamed Daahir

waxaana ay tiri “Maadaama qoondo wanaagsan ay dumarku ka heleen xubnaha Baarlamaanka Jubbaland Qof dumar ahna ay ka mid noqotay Musharaxiinta Jubbaland Sidaa daraadeed waxaan cadaynayaa in Jubbaland ay tahay halka ay ka billaabatay dimuquraadiyadda Soomaaliya”

“Arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhallaanka ayaan wax badan ka qaban haddii la i doorto, waxaan sameyn goobo caafimaad oo daryeel joogto ah lagu baxsho gaar ahaan ubadka ayaan aad uga taxadari caafimaadkooda maadama aan Hooyo ahay”.ayey tiri Canab

Musharax Madaxweynaha jubbaland Maxamed Cumar Geedi

Sidookale waxaa isna hadalka Qaatay Musharaxa madaxweynaha Jubbaland Maxamed Cumar Geedi Oo yiri ” Haddii aan ku guuleysto Madaxtinimada Jubbaland idinkuna aad igu caawisaan waxaan la imaan doonaa siyaasad mideysa Shacabka Jubbaland taas oo ay wada difaacdaan.”

Waxaakaloo uu sheegay in Muhiimad gaar ah uu siin doono Sarayna Sharciga iyo Kala Dambeynta Dadka Jubbaland.

“Waxaan ka shaqayn doonaa sidii aan xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa dowlad goboleedyada,Sidoo kale waxaan dowladda federaalka kala shaqayn doona sidii loo dhisi lahaa siyaasad hufan oo ay u wada simanyihiin shacabka Soomaaliyeed si dalka looga ilaaliyo in koox gaar ah ay maamulato Siyaasadda dibadda iyo tan gudahaba. Ayuu sidookale yiri.

Musharax Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Musharax Axmed Maxamed Islaam oo isna khudbadiisa qaatay ayaa yiri ” Jubbaland wax ay Juquraafi ahaan ka kooban tahay Saddex Gobolka oo ka mid ah dowladda Federaalak Soomaaliya,waxa ay ahayd state-kii labaad ee ku dhisma nidaamka Federaalisimka ah.”

“Axmed Maxamed Islaam Arrimaha Amniga waxaan dhisnay mudadii ay Jubbaland jirtay Ciidan cudud leh oo tayaysan oo la dagaalama Argagixisada”

” Ciidankaasi waxa uu suurta galiyay in amnigeeda la sugo deegaanada gacanta lagu hayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Waqtigiisu dhacay ee jubbaland Axmed Madoobe oo Musharax ah.