Dowladda Soomaaliya Maxay Ka Tiri Dorashadii Shalay Ka Dhacday Ksmaayo.?

0
253

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo War saxaafadeed ka soo soo saartay doorashooyinka iyo madaxtinimada Jubbaland ayaa sheegtay in doorasho kasta oo Jubbaland ka dhacda oo baalmarsan dastuurka Federaalka ay tahay waxba kama jiraan.

Wasaarad waxaa ay sheegtay in ay sidhaw ula socotay Dhacdooyinkii ugu dambeyey ee jubbaland iyo qaabka soo xulista Golaha Wakiiladda iyo odayaasha Wax soo xuli lahaa oo dhammaantood loomaray si kaduwan Habraaci Wasaaraddu ay soo saartay.