Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Ee Dhuuso-Mareeb Oo Markii Labaad Dib U Dhacay.

0
214

Waxaa Markale Dib u dhac uu kuyimid Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Oo Lagu waday in Sabtida Maanta ah uu ka furmo Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Gudiga Qabanqaabada Shirkan ayaa hore u iclaamiyey Shirkan in uu furmayo 17-Bishan oo Sabtida Maanta ah ku beegan Balse Markii labaad ayuu dib u dhacay.

Xubno katirsan Gudiga Qaban-Qaabada Shirka Dib-U-Heshiisiinya Galmudug oo Warbaahinta La Hadlay waxaa ay sheegeen in Shirkan uu dib u dhacay sababo Farsamo aawadeed madaama Ergadii qaarkood aysan imaan Dhuuso-Mareeb.

Gudigu ma uusan sheegin waqtiga kale oo ay qorsheynayaan in shirka uu furmo.

Dadka Galmudug Waxaa ay U Baahan Yihiin Dib-U-Heshiisiin Dhab Ah.

Waxaa jira Beelaha Qaar oo daga Galmudug oo dhaliilsan Shirkan Diidayna in ay soo dirsadaan ergadii Shirka kumatali laheed inkastoo Xubnaha Gudiga ay sheegeen in Caqabado badan oo hortaagnaa Xal u heleen kuwa kalena ay xalin doonaan.

Dhawaan Shir ka dhacay Magaaladda Hobyo oo ay halkaa ku qabteen Beelo Daga Galmudug waxa Ergadii ka qeybgashay Shirkaa ay ku baaqeen in dib loodhigo shirka Dbuuso Mareeb.

Dadka Soonaaliyeed ayaa indhaha kuwada haya dhagtana utaagaya sida uu udhaco Shirka Dhuuso mareeb iyo arimaha Doorashooyinka Galmudug Balse wixii kusoo kordhaa arimaha la xeriira Shirkan Baaqday iyo waxa ay ka yiraahdaan Gudigan u xilsaaran dib ka daalaco.