Al-Shabaab Oo LaWaregtay Deynuunaay iyo Cabsi La Xeriirta Dagaal Markale Ka Dhaca Deegaanka.

0
303
Al-Shabaab Oo Isaga Cararay Degmeda Xaradheere.

Dagaalyahano Katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Saakay weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ay ku lahaayeen Deegaanka Drynuunaay Oo katirsan Gobolka Baay.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in Kadib Dagaal Qaraar oo Saakay ka dhacay Deegaanka ay la wareegeen Dagaal yahanada Al-Shabaab.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramaya in Barqanimadii Saakay Markale ay Weerar Rogaal celis ah ku qaadeen Deegaanka oo saakay ay isaga Soobaxeen.

Waxaa jira khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo Dagaalkaa ka dhashay inkastoo rasmiyan aan loo xaqoijin karin khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Dadka Deegaanka ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan Deegaanka iyagga oo ka baqdin qaba in markale dushooda lagu kordagaalamo.

Hada xaaladu waa ay degen tahay waxaase moodaa in Labada dhinacba ay sameynayaan Dhaqdhaqaaqyo milatari iyo hub aruursi suuragalna ay tahay inmarkale dagaal uu ka dhaco deegaanka Deynuunaay oo Gobolka Baay ka tirsan.