Muqdisho: Ciidamada Amaanka Oo Togtay 4-Ruux Oo Qorsheyneysay Dilka Agaasime Wasaaradeed

0
230

Ciidanka Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maanta oo jimca ah ay KHaarajiyaan rag katirsan Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo isku dayay in ay dilaan agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo salaadda Khudbada ku tukanayay masjid kuyaala agagaarka Suuqa-Bakaaraha.

Ragan oo ay toogteen ciidanka boliiska ayaa mid kamid ah waxa ay aheyd haweeyney,taasi oo hubka u qeybineysay afartan ruux ee la toogtya is ay ugu dagaalamaan,waxeyna hubka kusiday bacda idin muuqato.

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”. Ayay tiri Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa tagay goobtay lagu toogtay dhagar qabayaashaasi,isagoo bogaadiyay ciidamadii howlgalkaasi fuliyay.