Duqa Magaalada London Oo La Kulmay Wiilka Cabdi-Raxmaan Yariisoow.

0
290

Duqa magaalada London, Sidiiq Khan ayaa la kulmay wiilka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir oo dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarixii ka dhacay dhismaha maamulka Banaadir.

Sadiiq Khan waxaa uu tacsi u diray dhammaan eheladii uu ka geeriyooday Injineerka.

Waxaa uu sidoo kale la kulmay qurba joogta soomaalida ee ku sugan London isla markaasna waxaa uu ka hadlay doorka bulshada Soomaalida ay ku leeyihiin horumarada dalkaas.

Halkan Hoose Ka Daalaco Dhambaal Tacsi ah Oo Duqa London Uu Kusoo Qoray Bogiisa Twiterka.