Ciidamada Jubbland Oo Miinooyin Ka Saaray Wadooyinka Tuulooyin Hoostaga D/Jamaame

0
247

Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa Miinooyin Ka Saaray Qeebo Kamida Gobolka Jubbada Hoose oo ay Howlgalo Kawadeen.

Meelaha Miinooyinkan Laga Bixiyey waxaa kamida Tuulooyin Aan sidaa uga Fogeyn Degmeda Jamaame oo Gobolkaas Katirsan.

Saraakiil Katirsan Laamaha Ammaanka Jubbaland ayaa Warsidaha Gargaar.net u sheegay in Miinooyinkaas laga Saaray Tuulooyinka Bengaani iyo Koban oo Hoostaga Degmeda Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiishu waxaa kaloo ay sheegeen in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay Miinooyinkaa Damacsanaayeen in ay ku waxyeeleeyaan Dadka Shacabka ah iyo Ciidamadda Ammaanka ee Wadooyinkaa isticmaalaya.

Talaabadan ayaa timid iyadda oo Laamaha Ammaanka Maamulka Jubbaland ay Howlgalo Ammaanka Lagu Xaqiijinayo ay ka wadeen Deegaanadda iyo Degmooyin Hoostaga Gobolka Jubbada Hoose.