Akhriso: Musharaxiinta Jubbaland Oo Ka Hor Yimid Dalabkii Qaramada Midoobe.

0
231

Qaarkamida Musharaxiinta Xilka Madaxtinimadda Jubbaland ayaa siweyn uga Horyimid Dalabkii Qaramada Midoobe ee ku aadanaa in Mudo Kordhin Loo Sameeyo Waqtiga Doorashadda Jubbaland.

Shalay Magaaladda Kismaayo Gaaray Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya James Swam iyadda oo uu lakulmay Xubnaha Gudiga Doorashooyinka Jubbaland iyo Madaxweynaha Waqtigiisu Dhammaaday ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Dalabaadka Wakiilka Qaramada Midoobe waxaa kamid ahaa in Mudo Kordhin Loo Sameeyo Waqtiga Doorashada si jaanis loo siiyo Musharaxiinta Mucaaradka ah ee aan isdiiwaangalin.

Balse Musharaxiinta Qoraalkan Soo saaray oo kamida kuwa isdiiwaan galiyey ayaa Sheegay in aan la aqbali karin Mudo kordhin Lagu sameeyo Waqtiga Doorashooyinka.

Waxaa kaloo ay sheegeen in aysan Suuragal aheyn in Dib loo furo Diiwaangalinta Musharaxiinta oo waqtigeedii Dhacay.

Halkan Hoose Ka Daalaco War-Saxaafadeedka.