Soomaali Bililiqo, Dhac Iyo Dhaawacba Loogu Geestay Koofur-Africa.

0
239

Deegaanka Soweto Oo Dhaca Magaaladda  Johannesburgee ee Dalka Koofur Africa Waxaa Dhac Loogu geestay Ganacsato Soomaaliyeed oo Halkaa kulahaa Goobo Ganacsi.

Dhacdooyinkan oo ahaa kuwa isdabajoog ah ayaa isugu jiray Boob, Dhac, iyo Dhaawaca Ganacsato Soomaaliyeed sida uu ku soo waramayo wariyaheena Koofur-Africa Cabdiqani Cumar Xasan.

Wakiil Wareedka Warsidaha Gargaar.net Cabdiqani Cumar Xasan ayaa kusoo waramaya in Arintan ay ka bilaabatay kadib Markii ay isku dhaceen midkamida Ganacsatada iyo Xubno kamida Macaamiisha Goob Ganacsi.

Boqolaal kamida Dadka Deegaanka Oo Ka Carooday Khilaafkaa ayaa Boob iyo Bililiqo i geestay Ganacsatada oo isugu jirta Soomaali iyo Ethobian iyadda oo uu jiro dhaawac Tiro Kamida Ganacsatada Ka soo gaaray mashaqadaasi.

Dowldda Wadanka Koofur-Africa weli kama aysan hadal arintan waxaana Xusid mudan in arintan oo kale ay tahay mid soo laablaabatay iyadda oo Dowladda Soomaaliyana aysan arimahan kala hadal Dhigeeda K/Africa oo ay Cilaaqaad badan wadaagaan.