Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaanka Ceel-Afweyn.

0
241

Xiisad dagaal ayaa lagu soo waramayaa in Arbacada Maanta ah ay ka taagan tahay Deegaanka Ceel-Afweyn oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xiisadan ayaa Daba joogta Dilal Dad shacab ah oo Maamin kahor ka dhacay Deegaanka iyo Odayaal Lagu Xiray Deegaanka sida Gargaar.net u xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Dadka aynu la hadalnay waxaa ay sheegeen in Ciidamo U abaabulan qaab maleeshiyo Beeleed ay is hortaagan yihiin.

Waxaa Jirta Cabsi Xoogan oo soo wakahday dadka Deegaanka oo ka baqdin qaba in markasta ay suuragal tahay in Dagaal uu Qarxo.

Dagaaladan ayaa keenay barakac iyo xasilooni daro oo ku baahday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, mana muuqato wax natiijo ah oo ka soo baxa shirarka inta badan la qabto, islamarkaana xalka lagu gaaro