Wasiir Cawad Oo Ka Hadkay Muhiimada Kulankii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Sacuudiga.

0
282

Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Kamid ahaa Wasiiradii Soomaaliya ee Magaaladda Mina Kula Kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Ka Hadlay Waxa Kulankaa uu ka dhignaa.

Waxaa uu sheegay in Kulankaa Dhexmaray uusan Wax shaqo ah ku laheyn Siyaasad iyo Wax lamida islamarkaana aysan jirin Wax Siyaasad Ku Qotoma oo ay isla soo qaadeen.

Madaxweyna Maamulka Somaliland iyo Wasiiro Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Kulmay

Sawir ay wadajir ugaleen Musharaxiinta Muuse Biixi iyo Xubnaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Qabsaday Baraha Bulshadda iyadda Oo Dadka Qofba Fikirkiisa Uu ku saleeyey.

Balse Axmed Ciise Cawad ayaa Sheegay in Ay isaga iyo Madaxweyne Biixi ay wada degnaayeen Qasriyo isku dhaw oo ay is arkeen Salaanna ugu Tageen isaga iyo Wasiiro Kale oo katirsan XFS Uuna usoo dhaweeyey si Soomaalinimo iyo Walaalyinimo leh.

“Muuse Biixi Wuu Xajinaye inaguna Waan Xajineynay, Kaliya Kulankeenu waxaa uu ahaa Salaan Iyo Is-Marxabeyn”Ayuu Yiri Axmed Ciise Cawad

Waxaa uu sidookale Xusay in aan loo ogoleen in arimo Khuseeya Soomaaliya iyo Somaliland ay kawada hadlaan oo aysan Fasax u heyaan Balse ay aheed Salaan oo kaliya iyadda oo Mararka Qaarna ay isku arkayeen Meelaha Muslimiintu Tagaan Sida Carafo iyo Mina.

HOOS KA DAALACO QORAAL UU SOO DHIGAY Twiterka.