Wariye Gacal Cabdulle Oo Ku Geeriyooday Dagaal Al-Shabaab Ay Ku Qaadeen Owdheegle.

0
325

Wararka aynu Ka Heleyno Deegaanka Owdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Sheegaya in Allaha unaxariistee Maanta halkaa uu Ku Geeriyooday Wariye Gacal Cabdulle kadib Dagaal Xoogan Oo Ka dhacay.

Dagaalyahano Hubeysan Oo Katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Maanta Weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Deegaankaas oo ay dhawaan la wareegeen Gacan ku heyntiisa.

Wariye Gacal Cabdulle Oo Ku Geeeiyooday Dagaal Ka Dhacay Owdheegle.

Allaha Unaxariistee Wariye Gacal Cabdulle ayaa U shaqeynaye Idaacada Ciidamadda Qalabka Sida islamarkaana ahaa Sawirqaadaha Gaarka ah ee Taliyaha Ciidamadda Lugta Generaal Odawaa.

Gacal Cabdulle ayaa kamid ahaa Tiro Wariye-yaal ahaa oo Dhawaan ka tagay Muqdisho oo u safray Deegaanka Owdheegle si ay Warbixino iyo Sawiro ugu Cabiraan Xaaladda Deegaanka oo Dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Balse Arbacada Maanta ah ayuu ku geeeiyooday Dagaalkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Degmeda Owdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

  Rabi-Naxariistii Jano Haka Waraabiyo