Is-Bedel Lagu Sameeyey Waqtiga La Qabanayo Doorashada Hogaanka Jubbaland.

0
268

Gudiga Madaxda Banaan Ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Maamulka Jubaland ayaa Qoraal ay soo saareyn Ku sheegay in la soo hormariye Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Tan Hogaanka ugu sareeyo Maamulkaasi.

Xubnaha Guddiga Xuduudaha Iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Qoraal Kooban oo ay soo saareen Gudiga ayaa Lagu Sheegay in Doorashadda Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland oo lagu madlanaa in la qabto 18-Agoosto, Laqaban Doono 16-ka Agoosto.

Halka Doorashadda Madaxweynaha Jubbaland lagu Madlanaa 24-Agoosto, La Qabandoono 19-Agoosto oo ku beegan Maalinta Axada ah ee Soosocota.

Khamiista Berito ah waxaa Bilaabmeysa Diiwaangalinta Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland, iyadda oo Maalinta Jimcaha ahna Laqaban doono Doorashadda Gudoonka Baarlamaanka.

Sidookale Sabtida Ina soo aadan waxaa ay gudigu sheegeen in Khudbadaha ay jeedin doonaan Musharaxiinta Xilka Madaxtinimo u Bartameysa, Halka Axada Fooda inagu soo heyaana Laqaban doono Doorashadda Hogaanka Maamulka Jubbaland ee Afarta Sano ee Soosocota sida Lagu Baahiyey Qoraal Kooban Oo kasoo Baxay Guddigu.

Warqada Kasoo Baxday Gudiga Cuduudaha Iyo Doorashadda Jubbaland.