Gen: Odawaa “Meydadka Al-Shabaab Xisaab Malaha”.

0
310

Barqanimadii Maanta ayaa Dagaalyahano Hubeysan Oo Katirsan Al-Shabaab waxaa ay Weerar Ku Bilawday Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda Federaalka Ku leeyihiin Deegaanka Owdheegle oo katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Ku hadasha Afka Dowladda  ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaaliin hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay Ka dhacay Owdheegle.

Weli majiro wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan Weerarkii Maanta.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in Mar Qura ay ka war heleen dhawaqa Qaraxa Xoogan iyo Risaas Xigtay iyadda oo Dagaalyahano Hubeysan ay Weerareen Saldhiga Ciidanka Dowladda.

Dhawaan Ciidamadda Sida Gaarka ah u tababaran Ee DANAB ayaa Dagaalyahanada Al-Shabaab kala wareegay Deegaanka Owdheegle Oo Kamid aheyd Deegaanada Muhiim ka u ahaa Al-Shabaab.