DEG DEG:- Qarax Is-Miidaamin Ah Iyo Weerar Toos Ah Oo Ka Dhacaya D/Owdheegle.

0
257

Wararka aynu ka heleyno Degmedda Owdheegle oo Katirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Weerar ismiidaamin ah iyo Mid Toos ahba uu xagaa ka dhacay.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegay in lagu qarxiyey Afaafka Hore ee Saldhig Ciidamadda Danab Ay ku leeyihiin Degmada iyadda oo intaa kadibna uu xigay Weerar Toos ah.

Ciidamadda Sida Gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa Dhawaan la wareegay Degmedaas oo Kamid aheyd Goobaha aadka ugu Muhiimsanaa Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dad goobjoge yaal ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Mar qura ay maqleen dhawaqa Qarax aad u Xoogan iyadda oo ay Xigtay Weerar Xoogan Oo U dhexeeye Ciidamadda DFS iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa jira Khasaare Xoogan oo labada dhinac ah inkastoo Rasmiyan Loo Xaqiijin karin Khasaaraha Dhabta ah balse wixii kusoo kordhaa Wararkeena dambe ayaad Ku akhrisan Doonnaa.