In Ka Nadan 1800- Oo Qof Oo U Geeriyootay Cudurka Ebola Oo Ka Dilaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Ee Congo.

0
228

Afar dawooyin ah ayaa waxaa lagu tijiaabiyay buukanada Ebola ee ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo halkaas oo uu ka dilaacay.

Darasaadda ayaa lagu xusay in boqolkiiba 90 dawada lagu daweyn karo Ebola.

Wixii hadda ka dambeeyo daawooyinka waxaa lagu daweyn karaa dhammaan bukaanada qabo Ebola, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Macadka ka hortagga xaasaasiyadda iyo cudurada oo maaligelisay daraasadda ayaa waxay ku tilmaantay tallaabo horumar ah oo lagula dagaalamayo Ebola.

Dawooyinkan ayaa lagu kala magacaaba REGN-EB3 iyo mAb114.