Madaxweyne Xaaf Oo Ka Tanaazulay Xilka, Baaqna U Diray Shacabka Galmudug.

0
264

Madaxweynaha Waqtigiisu Dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo Mudo kadib Ka Hadlay arinta Maamulka Galmudug ayaa Sheegay in uu ka Tanaazulay Xilka madaxtinimo iyo Musharaxnimadiisa.

Waxaa uu sheegay in uu ka shaqayn waayay dad Galmudug kasoo jeeda kuwaas oo curyaamiyay horumarka iyo dawladnimada Galmudug labadii sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu ka taanasulay xilkii uu ka hayay maamulkaasi cidii la keenana uu la shaqeyn doono.

Waxa uu Xaaf sidoo kale bulshada reer Galmudug ugu baaqay in ay ka tashadaan aayahooda iyo cidii hogaamin lahayd isla markaana ay la shaqeeyaan madaxdooda.

Arintan ayaa imaaneysa iyadda oo dhawaan lagu wado in Doorasho ay ka dhacdo Deegaanadda Galmudug iyadda oo khilaaf Xoogan uu ka dhex taagan yahay Halka Lagu qabanayo Doorashada.