Garoonka Kubada Cagta Ee Banaadir Oo Loogu Magac-Daray Marxuum Eng Yariisoow.

0
288

Munaasabadan ballaaran oo loogu duceynayay marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho ayaa maanta ka dhacday garoonka Kubadda Cagta Koonis ee magaalada Muqdisho,kaasi oo haatan loogu magac daray Marxuum Eng Yariisow.

Waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdulaalhi Faramaajo, guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Raiisul Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Khayre,xubnaha golayaasha kaladuwan ee dowladda,kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadashey munaasabadaasi ducada ayaa qirtay in Marxuum Yariisow uu ahaa shaqsi ku weynayd wadaniyada,dal iyo dowlad jacaylka iyo in uu horumar gaarsiiyo bulshadiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadaasi ducada ayaa ku dhawaaqay in Garoonkaasi Koonis hadda kadib loogu magacdaray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow).

Mas’uuliyiintan iyo shacabki tagay goobtaas ayaa Eebe uga baryay in uu janadii Fardowsa uu ka waraabiyo,waxana madaxda dowladdu ay balanqaadeen in ay ka warqabidoonaan qoyskii uu ka tagay marxuum yariisow.