Kismaayo Oo Looga Dhawaaqay Guddi Kale Oo Doorasho.

0
269

Jahwareer Siyaasadeed Kii Ugu Xumaa ayaa Ka taagan Magaaladda Kismaayo Oo Xilligan u Diyaargaroobeyso Marti Galinta Doorashadda Hogaanka Maamulka Jubbaland.

Maanta Markale waxaa Magaaladda Looga Dhawaaqay Gudi Doorasho Kaasi oo ay ku dhawaaqeen Xubnaha Musharaxiinta ee La bagac Baxay musharaxiinta Bad-baadada Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Gudigan ayaa Noqonaya Mid Caqabad ku ah Shaqada Doorasho ee kii Kan kahoreeye Oo Musharaxiintan ay u arkaan Mid u afduuban Madaxweynaha Gabalkiisu Dhacay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

HALKAN KA DAALACO MAGACAABISTA GUDIGGA DOORASHO EE MUSHARAXIINTA BADBAADADA JUBBALAND.

Doorashadda Hogaanka Maamulka Jubbaland waxaa isku haya Musharaxiin Fara badan oo Galaangal siyaasadeed Ku leh Deegaanadda Maamulkaasi.

Dadka darsa arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa Weedhaha iyo Aragtiyadda Ka imaanaya Kismaayo u arka Mid sii Fogeyneysa Yoolka Lagu Doonayo In Kismaayo ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah.