Dagaalyahano Hubeysan Oo Katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Lagu soo waramayaa in ay la wareegeen Deegaanka Haluuqa Layiraahdo Oo Ka Tirsan Gbolka Waqooyi-Bari ee Kenya.
War kasoo Baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Dagaalyahanadoodu ay la wareegeen Deegaanka kadib Markii Ciidamadda Kenya ay isaga Carareen Marka ay Arkeen Ciidankooda Sida Marergaha Internetka ay ku Baahiyeen.
Warka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Si Nabad ah ay kula wareegeen Deegaanka Haluuqa oo Hoostaga Degmeda Gaarisa Ee Gobolka Waqooyi Bari.
Dadka Deegaanka ayaa Ku waranaya in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay Gubeen Xarunta Shirkad Isgaarsiineed oo Kenya ay leedahay iyagga oo U Khudbeeyey Shacabka Deegaanka iyagga oo uga Sheekeeyey Fikirkooda.
Saraakiil Ka Tirsan Laamaha Ammaanka Kenya waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Deegaanku ay ku sugan yihiin Al-Shabaab balse ma aysan Bixin faahfaahin intaa ka badan.
Wixii akhbaaraadkaasi kusoo kordhaa kala Soco Gargaar.net.