Xarakada Al-Shabaab ayaa Soo Bandhigtay Sawiradda Ergadii Soo Xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka iyo Kuwa Maamuladda Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.
Munaasabadan Lagu soo Bandhigaye Dufcadii 1.aad Ee Ergeda Ka imaaneysa Jubbaland iyo Koofur-Galbeed ayaa Waxaa ay ka Dhacday Deegaanka Buula Fulaay oo katirsan Gobolka Baay.
Odayaashan Dhaqan ayaa Shabaabku Tiradoodu ku sheegeen 80-Oday Dhaqameed Oo Hordhac U ah Ergeda Soo dooratay Baarlamaanka ee Deegaan Doorashooyinka Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.
Mas’uuliyiin katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka qeybgalay Munaasabadaasi iyagga oo Sheegay in ay Cafis u fidiyeen Odayaasha oo Ajiibay Baaqii Xarakada Kadib Wada-Hadal Mudo Qaatay.
Dhawaan ayey aheed Markii Al-Shabaab ay 86-oday Dhaqameed ku soo Bandhigeen Deegaanka Buq-aqable oo katirsan Gobolka Hiiraan kuwaasi oo Ahaa Ducfadii 1.aad ee Odayaasha Dhaqanka ahaana DoorashooyiErgooyinkii Deegaannka Galmudug iyo Hirshabelle kuwaasi Oo wada-Xaajood dabadii Cafis Loo Fidiyey.