Jubaland Oo Ciqaab Adag U Diyaarisay Odayaashii Al-Shabaab Cafiska U Doontay.

0
254

Maamulka Jubbaland ayaa Sheegay in Talaabo Adag ay ka qaadi doonaan Odayaasha Dhaqanka ee La Shiray Xarakadda Al-Shabaab ee Cafiska Loo Fidiyey

Al-Shabaab ayaa Soo bandhigto kudhawaad 100-Oday dhaqameed oo kanid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo Xulay Xildhibaanadda Deegaan Doorashadoodu ay tahay Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.

Cabdi Mahdi Cabdi Salaan Oo ah lataluyaha Dhanka Amniga Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafadda Kula Hadlay Kismaayo ayaa Sheegay in Talaabo adag Laga qaadi doono odayaasha.

Waxaa uu Carbaabay In Odayaasha ay lakulmi doonaan Ciqaab adag oo ay kamid tahay Ganaax lacageed, Xabsi, iyo Kalsooni kala Noqosho Odaynimo.

Odayaasha Dhaqan Ee Soo Xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Heer Gobol iyo Heer Federaal ayaa Noqday Kuwa Lakulma Hanjabaado iyo Caga Jugleen isdaba Joog ah oo ay kala Kulmayaan Dhinacyada Isku haya Siyaasadda Soomaaliya.