Galmudug: “Odayaashii Qaatay Awaamiirta Al-Shabaab Iyagga Ayey Ka Tirsan Yihiin, Talaabo Adag Ayaana Laga Qaadayaa”.

0
261

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa Ka Hadlay Arinta Laxeriirta Awaamiirta Al-Shabaab iyo Odayaasha Dhaqanka Ee u Hogaansamay.

Dhawaan Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa Barahooda Internetka Kusoo Baahiyey Sawiro kamida Kooxdii ugu horeysay ee Cafiska Loo fidiyey kuwaasi oo Kamid ahaa Ergadii Soo Xushay Xildhibaanadda Federaalka Ee Lagu soo Doortay Galmudug iyo Hirshabelle.

Taliyuhu waxaa uu Sheegay in Odayaashaas ay u aqoonsan doonaan Xilligan Wixii ka Dambeeya In ay Katirsan yihiin Al-Shabaab Talaabo adagna laga qaadi doono Marka ay Dib ugu soo Gurya Noqdaan Deegaanadooda.

Isaga oo Saxaafadda kula Hadlaye Magaaladda Galkacyo ayuu Sheegay in Odayaashaasi Dhaqanka ay Qaadeen Talaabo Fuleynimo ah oo aan Sinaba Loo Aqbali karin.

Odayaasha Dhaqanka Ee Soo Xulay Xildhibaanadda Dowladda Heer-Gobol iyo Heer Federaal ayaa Noqonaya Dharigii Labada Dhinac Ka Gubtay Madaama Dowladda Dhexe iyo Tan Maamuladda aysan ilaa iminka Shaacin Wax Xal unoqonkara Oo ay ku Sugayaan Ammaanka Ergooyinka, Silamida Hadii ay aadaan Oo ay u hogaansamaan Amarkooda waxaa ay wajahaan Hanjabaado uga imaanaya Madaxda Maamuladda.

Dadka Darsa Siyaasadda Soomaaliya waxaa ay Sheegeen in Dowladda Dhexe iyo Maamul-Goboleedyadu looga baahan yahay in ay qaadaan Talaabo Xal unoqonkarta Arintan oo ay sheegeen in hadii aysan dhicin Suuragal tahay in lawaayo Odayaal Dhaqan Ee Soo Xula Xildhibaanadda Bedeli lahaa Baarlamaanaddan.