Manchester United Oo Ku Dhawaqday Saxiixa Daafaca Dunida Ugu Qaalisan Ee Harry Maguire

0
181

Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa daafaca ugu qaalisan dunida Harry Maguire  karib markii Axadii Shalay uu dhameystiray Tijaabadii caafimaadka oo uu ku maray xerada tababarka ee Carrington.

Heshiiska 26-jirkan katirsanaa  kooxda Leicester City ayaa kukacay 85-Milyan oo Genni kaasi oo noqday Mid aduunka oo dhan ka yaabsaday.

Xidigan ayaa Manchester united usaxiixay Heshiiska Oo Ah mudo Lixsano ah waxaana uu ka garab Ciyaaridoonaa Lindelof.

Waxa ay 50 milyan ginni horaantii xagagaan kula soo wareegeen daafaca midig ee Aaron Wan-Bissaka oo ay ka soo iibsadeen Crystal Palace. Halka 18 milyan ginni kula soo wareegeen xiddiga garabka ka ciyaara Daniel James oo uga soo biiray Swansea City.

Maguire ayaa la filayaa inuu kulankiisa ugu horeeya ee Manchester United uu ciyaaro kulanka ay Axada soo socota Old Trafford kula ciyaarayaan kooxda Chelsea ee Premier League.

26 jirka daafaca England ayaa aku biiray Liecester City sannadii 2017 isagoo u saftay 76 kulan waxaana uu u dhaliyay shan gool.

Maguire ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee xagaagan ay la soo wareegtay kooxda Manchester United.