Goolyahii Liverpool Simon Mignolet Oo Ku Biiray Kooxda Clup Brugge Oo Ka Dhisan Bulgiumka.

0
149

Kooxda Liverpool ayaa Cizeysay Dookha Goolhayahoodi iyagga oo u Ogolaaday in uu Ku Biiro Koox kale islamarkaana ay ku hesho Lacag Fara badan iyadda oo ay xusid mudan tahay in Xagaagii Hore ay Liverpool u diiday Goolhayahan Kooxda Napoli oo ku dooneysay Qaab Amaah ah.

Goolhayaha Dookha labaad ee Liverpool Simon Mignolet ayaa ku biiray Koox ka dhisan Dalka Belgiumka ee uu kasoo jeedo inkastoo ay jereen Heshiisyo ay kudoonayeen Kooxo Kale sida kooxda ree Portugal ee Benfica Balse isagu Waxaa uu Daneynaye sidii uu reerkiisa uga ag dhawaan lahaa.

Goolhayihii Dookha Labaad Ee Liverpool Simon Mignolet

Waa 31-sano Jir ay kooxdiisu ku faraxsantahay una ogolaatay in uu koox kale aado Oo rabitaankiisu ka dhabeeyo Balse arintan ayaa caqabad ku noqon doonto Macalinka kooxda Madaama Macalin Klopp uusan Heysan Bedel Buuxa oo Keydka u fadhiya Alisson Baker goolhayaha Koowaad ee Liverpool.

Sanadii 2016-kii ayuu Heshiis 5-Sano ah u saxiixay Kooxda Liverpool Goolhayaheedii Labaad Silamida Iminka Waxaa uu heshiis kale oo 5-Sano ah u saxiixay kooxda Clup Brugge oo Dalkiisa ka dhisan.

Heshiiskii Axadii Shalay lagu dhameystiray Caasimada Dalka Belgiumka ee Brusseles kaliya waxaa uu ku kacay 6- Milyan Balse marka gunadda Lawaafajiyo ayuu Gaari 8-Milyan.