Neymar Oo Ku Sii Dhawaanaya In Uu Dib Ugu Laabto Barcelona.

0
336

Inkastoo Paris Saint Germain aysan Maanka Ku Heyin in ay iska iibiso Xidiga Reer Baraziil ee Naymar Jr ayaa hadana waxaa Arinta sii Cusleynaya oo Ku Qasbaya Kooxda Hankiiisa Diidan in uu sii joogo Kooxda.

Waxaa Xilligan Isisoo taraya Wararka Laxeriira in Neymar Junior uu ku sii dhawaanaya in uu Dib ugu laabto Kooxdiisii Hore ee Barcelona.

Waqti fara badan ayaa weli ka harsan Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda ee Horyaalka Franca iyo Spain.

Neymar Oo Kusii Siqaya In Uu Dib Ugu Laabto Camp Nou.

Barca ayaa dhankeeda Bilowday wada-Hadaladda ay lafureyso Kooxda Paris saint Germany Oo ku aadan sidii ay qaab ammaah ah ula wareegi laheed Xidigan.

Dhankeeda Kooxda Paris waxaa ay aad u daneyneysaa In ay iska Iibiso Xidigan maadaama isku dhac xoogan uu ka dhex jiro Xidigan iyo Madaxda Sarsare ee Kooxda, Silamida  wadaxaajoodka Ay Barcelona ku dooneyso Neymar ayaa Xilligan lasoo sheegayaa in aysan Xasilooneen.

Kooxda Kubadda Cagta Barcelona ayaa Waxaa ka Go’an Qorshaha ay Ku doonayaan sidii Dib markale ay Neymar ula mataaneyn Laheed Kooxdiisii Hore.