Man City Oo Difaacatay Koobka Community Shield Kadib Markii Ay 5-4 Kaga Adkaatay Liverpool

0
297

Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso kabneed oo ka dhacday Garoonka Wembely Stadium waxaa ay kusoo idlaatay 5-4 oo ay guushu ku ku raacday Kooxda Manchester City.

Tani waxaa ay ka dhigan tahay in Pep Guardiola uu koob ku bilowday xilli ciyaareedka cusub.

Toban daqiiqo markii ay socotay ciyaarta waxaa Manchester City soo wajahday jug weyn markii uu dhaawac soo gaaray xiddiga garabka ka ciyaara Leroy Sane kaasoo ay isku dhaceen daafaca Liverpool Alexander-Arnold waxaana Bedel kusoo galay Xidiga Lagu magacaabo Gabriel Jesus

Laad xor ahaa oo loo dhigay Manchester City ayayna gool ku heleen daqiiqadii 12aad iyadoo City ay kubada isku baaseen ka hor inta uusan Kyle Walker karoos u qaadin Kevin de Bruyne kaasoo madax meel halis ah ku dhigay iyadoo kubada uu si farsameysan u taabtay Silva ka hor inta uusan Sterling dabamarinin goolhaye Alisson oo awoodi waayay inuu qabto.

Waa goolkii ugu horeysay ee uu Raheem Sterling ka dhaliyo kooxdiisii hore ee Liverpool tan iyo markii uu ka tagay Anfield.

Liverpool waxaa Soo maray jaanis weyn qeybtii hore ee ciyaarta Balse Maxamed Saalah oo Kubada Liverpool Intooda badani ay soo mareen ma uusan Awwodin in uu haleelo halkii larabay.

Tababare Pep Guardiola ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee lagu fuliyo sharciyada cusub ee la soo kordhiyay xilli ciyaareedkan markii jaale lagu siiyay mudaharaad uu ka sameeyay go’aanka garsooraha.

Liverpool ayaa u maleysay inay ciyaarta barbareeyeen daqiiqadii 57aad markii koorno ay soo tuureen uu si macaan darbo ugu qabtay Virgil van Dijk laakiin kubada ayaa ku dhacday birta islarmaanka ku degtay xariiqda goosha. Aragtida hore waxaa loo maleynayay inay gudaha goolka gashay balse teknooloojiyada xariiqda goosha ayaa muujisay inaysan kubada wada gudbin xariiqda goolka.

Laakiin daqiiqadii ku xigtay ayay Liverpool fursad kale oo dahabi ah heshay, Mohamed Salah ayaa xerada ganaaxa dhexdiisa waxa uu ku jeedjieediyay xiddigo Man City ah ka hor inta uusan darbo taraarax ah ku tuurin goolka City, waxaana ay kubada ku dhacday birta.

Manchester City ayay iyagana waxaa soo martay fursad gool loo fishay, Kyler Walker ayaa kubada u dhex bixiyay Raheem Sterling oo cidna aysan goolka ka xigin marka laga reebo goolhayaha, laakiin intii uu ka labalabeynayay inuu kubada ka dulqaado goolhayaha iyo inuu u baaso Walker oo garab ordayay waxa uu ku tagay goolhaye Alisson oo kubada ka qabsaday.

Liverpool ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqadii 77aad markii laad xor ah oo uu soo qaaday Jordan Henderson uu goolka geeskiisa ku helay Van Dijk kaasoo karoos yar uu soo dhigay ay keentay in daafaca kale Joel Matip oo bedel ku soo galay uu madax ku dhaliyo. Daafac ayaa dhaliyay daafac ayaana caawiye ka ahaa goolka Reds.

Liverpool ayaa u dhawaatay inay hesho goolka guusha daqiiqadii 82aad markii Naby Kieta oo bedel ku soo galay laga badbaadiyay kubad halis aheyd oo uu bixiyay goolhaye Bravo iyadoo Liverpool ay aad uga ciyaar fiicneyd Man City qeybtii labaad.

Labo daqiiqo gudahood ayaa Mohamed Salah waa isna fursad ka beeniyay goolhaye Bravo iyadoo Liverpool ay raadineysay goolka guusha ee ciyaarta. Rodri ayaa ku dhawaaday daqiiqadii 88aad inuu Liverpool u hadiyadeeyo goolka guusha markii uu kubada ku dhiibay xerada ganaaxa iyadoo Salah uu helay laakiin waxaa durbadiiba ku soo baxay oo ka badbaadiyay goolhaye Bravo.

Daqiiqadii 2aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray Mohamed Salah ayaa ka faa’ideystay qalad uu sameeyay Otamendi isagoo kubada la aaday Bravo waxaana uu kubada ka dulqaaday goolhayaha iyadoo kubada ay sii galeysao shabaqa waxaa xariiqda goosha ka soo badbaadiyay Kyle Walker.

Bravo ayaa ahaa xiddiga ugu fiican Man City qeybtii labaad waxa uu daqiiqadii dhimashada ciyaarta uu fursad kale oo dahabi ah ka beeniyay Xherdan Shaqiri, waxaana ciyaarta 90kii daqiiqo ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana durbadiiba la isla aaday rigoore.

Waxaa rigoorada 5-4 ku badisay kooxda Manchester City iyadoo Wijnaldum laga qabtay rigoorada halka Gabriel Jesus uu rigoorada guusha u saxiixay kooxda Pep Guardiola. City ayaana ku guuleysatay koobka Community Shield.

Liverpool waxa ay habeenka Jimcaha kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka Premier League ay Anfield ku soo dhaweyn doontaa Norwich City halka Manchester City ay Sabtida marti u tahay kooxda West Ham United.