Madaxda Qaranka Oo Janaasada Ku Dukatay Allaha Unaxaristee Duqii Muqdisho ‘Enjineer Yariisoow’.

0
210

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ahaa duqii magaalada Muqdisho.

Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada.

Waxaa kaloo Goob joog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre, Xubno kasocda Golaha Wasiiradda, iyo Labada Gole ee Baarlamaanka, Mas’uuliyiin Siyaasadeed Oo hore Xilal usoo qabtay iyo Madax katirsan Saaxibada Caalamka ee Soomaaliya.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in lagu aaso Marxuumka Khabuuraha ku yaala xerada General Kaahiye ee magaalada Muqdidho.