D/Diinsoor: Dagaal-Yahano Katirsan Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay CXD

0
318

Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xooga Dalka Ee Ku Sugan Gobolka Baay iyo Kuwa Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Dagaalyahanada oo ah Labo Ruux ayaa Isi soo dhiibay iyagga oo wata Labo Qori oo ah Nuuca Looyaqaano AK-47 iyo Booshashkooda.

Mas’uuuliyiin Katirsan Maamulka Degmede Diinsoor Ee Gobolka Baay Oo Ragan lagu soo Bandhigay ayaa Gargaar.net u sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay Isku soo dhiibeen Maxamed Xasan Cusmaan oo 25-Sano Jir ah iyo Xuseen Marshaale Maxamed Oo 19-Sano Jir ah.

Labadan Ruux ayaa Mudo 1-2 Sano katirsana Al-Shabaab waxaana Midkamida Uu ahaa Darawalka Hogaamiyaha Al-Shabaab U Qaabilsanaa Goboladda Baay iyo Bakool sida Lagu Daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA oo soo xiganeysa Gudoomiyaha Degmeda Diinsoor Ibrahim Maxamed Nuur (Shiik Shigow ).

Dhinaca kale Xubnaha aan la hadalnay waxaa ay inoo sheegeen in Labadan Ruux ay ka tanaazuleen Fikirkii Al-Shabaab ayna kasoo laabteen.