Madaxda Arsenal iyo Barcelona Oo Ka Arinsanaya Heshiska Amahda Philipe Coutinho iyo Hubanti La’aanta Mustaqbalka Xidigan.

0
284

Axada Berito ah Ayaa lagu wadaa in Garoonka Camp Nou ay Kulan ku yeeshaan Madaxda Kooxaha Kubadda Cagta ee Arsenal iyo Barcelona Oo Kooxahoodu ay Isku Food saari doonaan Kulan Saaxiibtinimo ah.

Jariiradda laga leeyahay Spain Ee Sports layiraahdo ayaa kusoo warameyaa in Kulanka Kadib Madaxda Labadan Kooxood ay ka Arinsan doonaan Heshiiska Amaahda ah Oo ay kula wareegayaan Xidiga Reer Liverpool Philipe Coutinho.

Madaxa Kubadda Cagta ee Arsenal Raul Sanllehi ayaa Hogaamin Doona Wada Hadaladda Kooxdu ay ku dooneyso in ay Kula Wareegto Coutinho.

Labada Naadi ee Arsenal iyo Barcrlona ayaa Axada Wada Ciyaaridoono Ciyaarta Saaxiibtinimo ee Joan Gamper Trophy.

Xidiga Philipe Coutinho ayaa Wajahaya Xilligan Hubanti la’aan Dhinaca Mustaqbalka ah Madaama uu Ku Fashilmay Spain.

Balse waxaa Laga wada dharagsan yahay in Ammaah Dhan 142-Milyan Oo Genni ay kula wareegtay Kooxda Barcelona Sanadii 2018-kii.

U Dhaqaaqista xiddigii hore ee Liverpool ayaa waxa ay imaaneysaa maalmo ka dib markii ay heshiis 72 milyan ginni kula soo wareegeen xiddigii Lille Nicolas Pepe.