Is-Bedel Lagu Sameeyey Taliska Qeybta 21-Aad Ee Ciidanka Xooga Dalka. ‘AKHRISO’

0
279

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ahna Taliye ku xigeenka CXD S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa isbedel ku sameeyey Taliska 21-aad ee CXD.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga waxaa loo magacaabay gashaanle sare Cabdi-Casiis Canbdulaahi Cabdi (Qayir) oo hore usoo ahaa Taliyaha Danab qeybta 21-aad iyadda oo Taliyihii Qeybta 21-aad Generaal Yuusuf Maxamed Kanti loomagacaabay taliyaha Ururka 38-aad ee taliska Guud.

Sidookale abaanduulaha Qeybta 21-aad loo mahacaabay Dhamme Aadan Siyaad Cabdi.

Waxaa sidookale Taliyaha Danab Qeybta 21-aad Loo Magacaabay Dhame Muqtaar Cabdi Aadan.

HALKAN HOSE KA DALACO WARSAXAFADEDKA.

Wareegtada Magacaabista Sarakisha 21-aad Ee Ciidanka XDS.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo Dhawaan Madaxda Dowladda Federaalka Iyo Madaxda Ururka Ahlu-Sunah Waljamaaca ay Heshiis ka gaareen Cidda Maamuleysa Magaaladda Dhuuso-Mareeb oo Ah Xarunta Maamul-Goboleedka Galmudug.