Dib U Dhac Ku Yimid Aaska Qaran Ee Loo Sameyn-lahaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

0
265

Waxaa dib u dhac uu kuyimid Aaska Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisoow Oo Sabtida Maanta ah lagu madlanaa in Aas-Qaran Muqdisho Loogu Sameeyo.

Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddaii soo qaadi lahayd meydka marxuumka.

Guddiga ayaa sheegay in aaska Qaran uu dib u dhacay Berri subax 08:00AM hadii uu Alle idmo.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay.

Allaha unaxariistee Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Injineer Yariisoow ayaa u geeriyooday Dhaawac Ka soo gaaray Qaraxii Todobaad ka hor ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Maalmihii ugu Dambeeyey ayaa waxaa xaaladiisa Caafimad lagula tacaalaye Cisbitaal kuyaala Magaaladda Doxa ee Dalka Qadar iyadda oo uu ugu Dambeynna Halkaa Ku Geeriyooday.

Mudo Sedex Maalmood ah Oo Calanka Hoos Loodhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shaacisay In Mudo Sedex Maalmood ah Calanka Hoos loo dhigayo iyadda oo Gudina u saartay Qabanqaabada Aaska Qaran ee Allaha U Naxariistee Gudoomiyahii Gobolka Banaadir.