Maxey Tahay Baahida Real-Madrid Ay U Qabto Paul-Bogba iyada Oo Ay Joogaan “Kroos, Modric, iyo Casamiro.

0
263

Real madrid oo dhawaan soo martay afar kulan oo aad u xanuun badnaa oo kamida kulamadii isku diyaaridta xilli ciyaareedkan.

Waxaa soo baxaya Walaac xoogan oo ku aadan in Tababaraha Kooxda Real Madrid uu Baahi Badan uqabo Ciyaariyahan Qadka dhexe uga Ciyaara Kooxda Manchester United ee Paul Pogba.

Iyadda oo ay joogaan Ciyaaryahanada Modric, Kroos, iyo Casamiro ayaa hadana waxaa Macalin Zinadine Zidane uu Baahi badan uqabaa Xidigan Paul Pogba oo Dad Badan ay aad ula djacsan yihiin Qaab Ciyaareedkiisa taasi oo uu Macalinku Aaminsan yahay hadii Uu kusoo Biiro in uu Wax badan ku soo kordhindoono Kooxda.

Isbarbardhig ku aadan Xidigaha Kroos, Modric, Casamiro iyo Xidiga La doondoonayo ee Paul Pogba.

Paul Pogba oo lala bar-bardhigay dhamaman saddexda xiddig ee lama taabtaanka ka ah khadka dhexe ee Madrid (Casemiro, Modric iyo Kroos).

Pogba oo xilli ciyaareed ka xun midka Real Madrid lasoo qaatay Manchester United eedayn badana lasoo kulmay ayaa meel kasta kaga fiican saddexdaas xiddig ee aan kor kusoo xusnay haddii ay noqoto weerarka iyo difaacaba.

Pogba ayaa xilli ciyaareedkii hore soo ciyaaray 47 kulan waxaana uu mudadaas kusoo dhaliyay 16 gool halka uu Modric kasoo ciyaaray 46 kulan oo uu dhaliyay afar gool sideed kalena caawiye ka noqday, Kroos ayaa 43 kulan soo ciyaaray sameeyayna lix caawimo iyo halka gool halka Casemiro uusan wax caawimo ah samayn balse uu afar gool soo dhaliyay.

Taas ayaa la micno ah in Pogba oo isku darka goolasha oo dhan kaga badan yahay saddexleyda Madrid isla markaana uu saddex caawimo ka hooseeyo.

Sidoo kale haddiiba aysan xogtaasi weerar ahaan ugu filnayn Pogba ayaa 60 shuud ku tuuray shabaqa goolka kasoo horjeeda halka ay isku darka 45 jeer kubadda laageen Modric, Kroos iyo Casemiro.

Dhinaca difaacashada Pogba ayaa kaligii kubadda dib ugu soo guuleystay 287 jeer halka Casemiro uu dib ugu soo guuleystay 278 jeer Modric 268 iyo Kroos 222 Jeer.