Kulan Ammaanka iyo Dorashoyinka Looga Hadlaye Oo Ka Dhacay Kismaayo.

0
324

Magaaladda kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Kulan Xasaasi ah oo looga hadlaye arimaha Ammaanka.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen Madax sare oo katirsan Maamulka Jubaland iyo Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Jubbaland waxaa intiisa badan lagu faaqiday Arimaha Ammaanka Iyo Doorashooyinka.

Iyadda oo ay jiraan dhaliilo dhinaca Habac Amaanka ku aadan oo loo jeedinayo jubbaland ayaa hadana Madaxdii kulankaa ka qeybgashay ay sheegeen in Ammaanka guud ee kismaayo uu yahay mid la isku haleynkaro. Shalay ayey aheed Markii Ciidamada Boliiska Jubbaland ay si raami ah ula wareegeen Ammaanka Guud ee Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Diyaar garoow balaaran oo ku aadan Doorashadda jubbaland ayaa aad looga dareemayaa magaaladda kismaayo iyadda oo ay halkaa ka soconayaa kulamo isdabajoog ah oo inta badan arimahaaasi looga arinsado iyadda oo musharaxiin dhowr ah oo galaangal siyaasadeed ku leh jubbaland ay ku bartamayaan.

Musharaxiinta Madaxtinimada Jubaland ayaa qaba in Gudiga Doorashadda jubbaland ay yihiin kuwa u afduuban Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday ee jubbaland axmed madoobe.