Kismaayo: Fariin Adag Oo Loo Diray Musharaxiinta Madaxtinimada Jubbaland.

0
260

Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa Fariin adag waxaa ay u direen Musharaxiinta U taagan Baratanka Xilka Madaxtinimada Maamulka Jubbaland ee dhawaan lagu wado in ay ka qabsoonto magaaladda Kismaayo.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in Musharaxiinta Madaxtinimadda Jubbaland looga Baahan yahay in ay u hogaansamaan Sharciga islamarkaana ay buuxiyaan Shuruudaha looga Baahan yahay.

Isaga oo ka hadlaye kulan Ammaanka iyo arimaha Doorashooyinka Looga arinsanaye oo Ka dhacay Magaaladda kismaayo ayuu sheegay in Musharaxii aan buuxin shuruudaha Waqtigii loogu tala galay uusan ka qeybgalen Doorashadda Jubbaland.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha Ammaanka Ayuu sheegay gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Jubbaland in Ammaanka Guud ee Magaaladda Kismaayo ayuu sheegay in Ammaanka uu yahay mid la isku haleen karo.

“Waxaa jira Siyaasiyiinta qaar oo doonaya in ay barabagaan ka fidiyaan oo ay qalqal galiyaan Ammaanka guud ee M/Kismaayo oo Muqdisho kasoo hadlaya balse warkooda dhag jalaq usiin meyno” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadda oo Kismaayo aad looga daremayo Diyaar garowga Doorashadda Jubbaland islamarkaana Maamulka Jubbaland uu heegan Galiyey Ciidamadiisa si ay u xajiyaan Ammaanka guud ee Magaaladda.