Kenya Oo Qaramada Midoobe U Gudbineysa Codsi Ka Dhan Ah Al-Shabaab.

0
253

Dowladda Wadanka Kenya ayaa Shaacisay Qorshe ay Qaramada Midoobe kaga Codsaneyso in Xarakadda Al-Shabaab ay Q.M u Aqoonsato Urur Argagaxiso.

Xoghayaha Arimaha Dibedda Dowladda Kenya ayaa Hadalkan Ka Sheegay Kulan Ka Dhacay Magaaladda Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Xoghayuhu waxaa uu sheegay in Arintan ay tahay Mid lagu wiiqi karo Awoodda Xarakada Al-Shabaab oo Weeraro Dad Badan ay ku geeriyoodeen ka Fuliye Wadanka Kenya.

“Qaramada Midoobe ayaan ka codsan doonna in Ururkan ay u aqonsato Urur Argagaxiso oo Caalami ah si aduunka oo dhan uu meel Qura uga soo wada jeesto Dagaalka ka dhanka ah Si Dadkeena iyo kuwa kunool Wadamada Jaarka ah sida Soomaaliya ay Nabad ugu Naaloodaan” ayuu yiri Xoghaya Arimaha Dibedda Kenya.

Dagaalyahanadda Al-Shabaab ayaa Wadanka kenya ka fuliye Weeraro Dad fara faran ay ku Go’een Gaar ahaan kuwa u badan Masiixiyiin iyadda oo Weerarada Qaar Al-Shabaabku ay Kala Xushaan Dadka oo ay Sigaara U Dilàan kuwa Masiixiyiinta ah.

Talaabadan ayaa Dadka Darsa Siyaasadda Geeska Africa Waxaa ay u arkaan In Kenya ay U Caalweysay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab maadaama ay Caalamku dooneyso in ay Caawimaad  guud kaga siiyaan Dagaalka ay kula jiraan.