Odayaasha Cadaado Oo Diiday Ka Qeyb-Galka Shirka Dip-U-Hishiisiinta D.Mareeb

0
297

Odayaasha Magaaladda Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in ay ka biyo diideen ka qeybgalka Shirka Dib-U-Heeshiinta Beelaha Galmudug.

Shir Magaaladda Cadaado ay isugu yimaadeen Gudiga Dib-U-Heshiisiinta Galmudug oo ay magacaawday XFS iyo odayaasha Cadaado ayaa looga hadlay sidii gudigu ay odayaasha ugu qancin lahaayeen ka qeqeybgalka Shirka.

Waxaa sidookale la isugu soo qaaday arimo ay kamid yihiin in doorashadda Baarlamaanka Galmudug lagu qabto Magaaladda Cadaado oo ah xarunta Baarlamaanka Balse arintaa la isku fahmi waaye.

Mid kamida odayaashii shirka ka qeybgalay ayaa Gargaar.net u sheegay in odayaasha dhaqanka Cadaado ay Go’aansadeen in aysan ka qeybgalin shirka lagu wado in 5-ta bisha uu ka furmo dhuuso-Mareeb.

Tani waxaa ay dhabar jab xoogan ku noqoneysaa dadaaladda Ra’isul-Wasaare Xasan Cali Kheyre uu kawado Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee lagu baadi hoobayo Galmudug Mid ah.