Muqdisho: Daral Mooto Bajaaj Oo Ku Geeriyooday Shil.

0
284

Inta laxaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday kadib markii ay isku dhaceen Gaari Nuuca Homey-da Soomaalidu u taqaano iyo Mootada Bajaajta-Loo Yaqaano.

Shillan ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoosyada Bakaaraha iyo Howl-Wadaag ee Magaaladda Muqdisho.

Qof Hoob jooge ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Uu geeriyooday Darawalkii Moota bajaajta Markii ay isku dhaceen Mootada iyo Gaariga Homeyda oo Xowli Ku socday.

Ciidamo katirsan Kuwa Dowladda Federaalka oo goobta gaaray kadib shilka ayaa qaatay Meydka Wadihii Mooto Bajaaj oo ay uqaadeen Xarunta Dambi Baarista CID-da ee Muqdisho.

Balse Darawalkii Gaariga Shilka galay ayaa Goobta ka baxsaday oo Ciidamadu Gacanta kuma aysan dhigin.

Inta badan shilalka Ceyn-kan oo kale ah ayaa Ka dhaca Muqdisho iyo Goboladda Dalka iyadda oo loo aaneeyo Xirfad yarida Darawaladda Kaxeya Gawaarida.