Kismaayo: Boliiska Jubaland Oo La Wareegay Sigida Ammaanka.

0
251

Ciidamo ka tirsan kuwa Boliiska Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa In Talaadada Maanta ah ay la wareegeen Sugidda Ammaanka guud ee Magaalo xeebeedka Kismaayo.

Saraakiil katirsan kuwa Jubbaland ayaa Gargaar.net u sheegay in Ciidamada oo leh tababar sare ay kasoo dhalaali doonaan Xaqiijinta Ammaanka ee loo igmaday.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in ay arkayeen Ciidamo Fara badan oo wata Gaadiidka Dagaalka oo Gaaf wareegaya Afarta Xaafadood ee Magaaladda iyagga oo mararka qaarna Baaritaano Sameynaya sida ay hadalka u dhigeen.

Arintan ayaa imaaneysa iyadda oo Magaaladda Kismaayo uu ka soconayo Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee Doorashadda Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

Waxaase jira Dhaliilo misharaxiinta Madaxweynaha ay u jeedinayaan Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee jubaland axmed Madoobe iyo Gudiga Doorashadda Jubbaland oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa uu isagu wato.