Dibed-Baxyo Ka Dhan ah Puntiland Oo Ruxay Gobolka Bari.

0
298

Gobolka Bari ee Puntiland waxaa Maanta Ruxay dibed-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo maamulka Puntiland kadib Xukunkii shalay lagu riday Askari katirsan Maamulka Puntiland.

Boqolaal Ruux ayaa Maanta isugu soo baxay Deegaanka Ceeldaahir oo Katirsan Gobolka Bari ee Puntiland kuwaasi oo kasoo horjeeda Xukunkii Shalay Maxkamadda Ciidanka Puntiland ay ku riday Labo Xidigle katirsan Ciidamadda Puntiland.

Maxkamada Ciidanka Puntiland ayaa shalay Xukun Dil ah ku Riday Labo Xidigle Maxamuud Sheekeeye oo ay Maxkamadu ku eedeysay in uu Fududeeye Dilka Madaxii Hey’adda DP-World ee Dekeda Boosaaso.

Balse Boqolaalkii Ruux ee Dibed baxaye ayaa Xukunkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid Cadaalad daro ah oo loogu Daneynayo Dowlado shisheeye.

Dibad-Baxayaashu ayaa la sheegay in uu kusoo baxay Taliyaha Amniga Deegaanka Ceel-Daahir oo ay Isugu soo baxeen Balse ay ka biyo diideen iyagga oo Sheegay In aysan joojin doonin Dibed-Baxa inta Puntiland ay Cadaalada Ku dhaqeyso Xukunkii sharci darada ahaa ee shalay lagu riday 2-Xudigle Maxamuud Sheekeeye.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net