Howlihii Gobolka Banaadir Oo Si Caadi Ah Ku Socda Kadib Qaraxii Arbacadii.

0
242

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Bamaadir ibraahim Cumar Mahad-alle  ayaa Warbaahinta u sheegay in Xarunta Maamulka Gobolka Bamaadir ay Xiligan si Caadi ah u Bixineyso adeegyadii ay Shacabku kaga Barteen kadib weerarkii Arbacadii.

Ibraahim Cumar Mahad-Alle ku ku simaha Duqa Magaaladda Muqdisho waxaa uu xusay in Shacabka Gobolku looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan oo ay war bixinada lawadaagaan Laamaha Ammaanka Dalka.

Arbacadii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ayaa Qarxiyey Xarunta Maamulka G/Bamaadir oo cilligaa uu ka socday Shitlr Muhiim ah oo Ammaanka looha Hadkaye iyadda oo Al-Shabaabna ay sheegeen in Bartilmaameedku ahaa Wakilka Qaranada Ee Soomaaliya.

Waxaa uu Gudoomiye ku xigrenku Shacabka ka dalbafay in ay is dejiyaan kana war sugaan Warbixinta Baaritaanka Socda oo aan laga hor dhicin.

7-Mas’uul oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Qaraxaa ku dhintay iyadda oo ay ku ku dhaawacmeen Tiro kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Ahna duqa Caasimadda Cabrdirraxmaan Cumar Cismaan oo haatan Caafimaadkiisa lagula tacaalayo Dalka Qadar.