Gudoomiyaha G/Banadir iyo Dhaawacyadii Kale Oo Loo Qadayo Dalka Qatar.

0
246
Duqa Muqdisho Eng Yariisoow

Gudoomiyaha Gobolka Banaafir Ahna Duqa Muqdisho eng Cabdiraxmaan Cunar Cismaan Eng Yariisoow iyo Xubnihii kale ee shalay ku Dhaawacmay Qaraxii xooganaa ee ka dhacay Xarubta Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in goordhaw loo qaado Dalka Qatar.

Dhaawaca Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa ah Mid aad uliita sida Laga soo warinayo Cisbitaalka Haatan uu ku suganyahay.

Tan iyo Shalay Xubnahaan waxaa xaaladooda lagula tacaalaye Cisbitaalka Ordugan ex-Digfeer ee muqdisho.

Aroor hore oo saakay ah ayaa lagu waday in dhaawacyadan oo qaarkood liita in laqaado balse diyaaradii loo qorsheeyey ayaa la sheegay inaysan suuragal aheyn marka la eego qabiijiyaha iyo agabka gargaarka deg dega ee loobaahnaa taasi oo sababtay in diyaarad kale loo dalbo.

Daqiiqadaha ina soo aadan ayaa laqaadi dooonaa sida xubno katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ay u sheegeen Warsidaha Gargaar.net.

Wixii kusoo kordhaa dhawaan filo.