Culimada Soomaaliyeed Oo Si Adag Uga Hadlay Dhaqaale-Siinta Al-Shabaab iyo Daacish.

0
252

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baarruud Gurxan,oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha baadda ah siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa caadeystay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed. Sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaa raaciyay in ganacsatada qaarkood ay si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan xasuuqa Shacabka ay ku hayso Aragagixisada, mar haddii ay dhaqaalaha ay bixiyaan lagu soo iibiyo Hubka iyo qaraxa lagu laynayo Ummadda Soomaaliyeed.

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed Lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay Dadka bixiya baadda Argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo Nafteyda” ayuu yiri , Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna Dhallinyarada la marin habaabiyay ugu baaqay in ay ka soo laabtaan Waddada qaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab. Ayuu sheekhu yiri.