Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan.
Kulanka oo ahaa mid isxogwareysi ayaa labada dhinac waxaa ay kaga wada hadleen arimo ay kamid yihiin Ammaanka, Siyaasadda, iyo sidii Loo kordhinlahaa Taageerada Q.M ee dhinacyada kala duwan.
Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeynayaan Wakiil James Swan arrimaha loo egmaday ee hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha ku qotoma xasilinta dalka iyo horumarintiisa
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaa uu Qoraal uu soo dhigay Bogiisa Twiterka Ku sheegay in uu Wakiilkan Cusub Lawadaagay Hampalyo ku aadan Xilkan Cusub ee dhawaan Loo soo magacaabay.
Waxaan maanta xafiiska ku soo dhoweeyey Ergeyga Gaarka ah ee XG ee Qaramada Midoobay James Swan oo dhowaan xilkaas loo soo mahacaabay oo aan ka wada hadalnay dardargelinta wadashaqeynta QM iyo Maamulka G/Banaadir Isla markaana ka siinay warbixin horumarka Caasimada Muqdisho pic.twitter.com/uGymbvimWJ
— Abdirahman O. Osman (@engyarisow) July 24, 2019
Danjire James ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan, isagoona tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan wadashaqeynta Maamulka Gobolka iyo Mashaariicda ay ku taageeraan bulshada Caasimadda.