Gudoomiye-Yaal Degmo Oo Ku Dhintay Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir.

0
250

Warar Horu dhaca oo aan ka helnay Xarunta Dowladda hoose ee xamar ayaa ku waramaya in Gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Asad iyo Gudoomiyaha degmada Waabari Mahad Cilmi  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa.

Waxaa sidoo kale dhaawacyo Culus oo gaareen Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ,Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Basmo Caamir iyo Cabdifitaax Xalane Agaasimaha Nadaafadda.

Xilliga uu qaraxu dhacaye waxaa Xarunta Dowladda Hoose ka socday Shir Todobaadke ah oo ay lahaayeen maamulka Gobolka iyo Kuwa degmooyinka Gobolka.

Qof Ku sugnaa Xilliga Uu Qaraxa dhacay aqalka Dowladda Hoose ayaa Gargaar.net u sheegay in Qarax Xoogan uu ka dhacay Gudaha Xarunta ay ku shirsanaayeen Madaxda Gobolka islamarkaana uu arkaye Dhaawac badan oo laqaadayo iyo Dad ku dhintay.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa lagu dabiibayaa Cisbitaalka Digfeer oo hada loo yaqaano Ordugan.

Wixii kusoo kordhaa Halkan kala soco.