Fahfahin:- Qaraxii Aqalka Dowladda Hoose Oo Sababay Dhimashada iyo Dhawaca Mas’uuliyiin Katirsan G/Banaadir.

0
234

Faahfaahino Dheeraada ayaa  kasoo baxaya Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Warar Horudhac ah oo uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno kamida Gufoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir ay ku dhaawacmeen Qaraxa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Dhaawaca Gudoomiye Eng Yariisoow uu uahay Mid Culus waxaana Xilligan Lagula tacaalayaa Cisbitaalka Digfeer Ee Magaaladda Muqdisho.

Xilliga uu qaraxu dhacaye Xarunta Gobolka Banaadir waxaa ka socday Shir Ammaanka Looga Hadlaye.

Qof isisoo miidaamiyey ayaa la sheegay in uu gudaha ugalay Xarunta Shirarka Ee Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Wixii akhbaara ee kusoo kordhaa waan idiin soo gudbin Doonnaa.