Puntiland Oo Xirtay Gudomiyihii Gudiga Dib-U-Dhiska Wadada Bosaso & Baqdinta Shirar Lagu Duminayo Puntiland.

0
234

Ciidamadda Ammaanka Magaaladda Boosaaso ee Puntiland ayaa Lagu soo waramayaa in ay Xabsiga Dhigeen Gudoomiyihii Guddiga Dib-U-Dhiska Wadada Bartamaha Magaaladda Boosaaso.

Qaarkamida Eheladda Gudoomiyaha Laxiray ayaa Gargaar.net u sheegay in Ciidamadda Ammaanku ay Hoygiisa Ka Kaxeysteen Wadaadkan oo lagu Magacaabo Sheakh Maxamed Macalin Axmed islamarkaana aysan u sheegin Sababta Xarigiisa Ka dambeysa.

Khamiistii ayey aheed Markii Xubno katirsan Gudigan ay xabsiga u taxaabeen Maamulka Puntiland kuwaasi oo ilaa iminka xabsiga ku jira.

Dhawaan Waxaa Soo baxaye Warar sheegaya in Guddigan oo uu Gudoomiye U ahaa Sheakh Maxamed Macalin Axmed in Ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaqaateen Lacago Deeqo ah kuwaasi oo aan Marin Nidaamka Maaliyadeed ee Puntiland Wararkaasi oo aan laxaqiijin xaqiiq ahaanshiyaahiisaaSi weynna ay uuhadal hayeen warbaahinada Puntiland  waxana ehelada Wadaadkan ay Gargaar.net u sheegeen in taasi ay Maleynayaan in Loo Xidhay.

Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan puntland fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.

Madaxda sare ee Puntiland ayaa Dhawaanahanba Soo saaraye Awaamiirtan oo kale iyagga oo Siweyn uga Baqdin qaba in shirar Lagu duminayo Maamulkaasi lagu qabto Hoteeladda Kuyaala Deegaanada Maamulkaasi.