Ra’isul-Wasaare Kheyre Oo Dhiiragaliyey Ole’olaha Is-Xilqaan Ee Ka Socda Dhuuso-Mareeb.

0
283

Bulshada Kunool Magaaladda Dhuuso Mareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta Bilaabay Ole’ole Nadaafadeed kaasi oo ay Dib Ugu soo celinayaan Bilicda Magaaladda.

Howlahan Nadaafadeed ayaa waxaa wadajir Qeebo badan oo Magaaladda Kamida ugu fulinaye Shacabka iyo Maamulka Magaaladda Dhuuso-mareeb iyagga oo qashin Gurid iyo geed jaridba Magaaladda Ka Bilaabay.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta kormeeray Wadada Xeriirisa Magaaladda Iyo Garoonka isaga oo Bulshadda Magaaladaasina ku ku dhiirigaliyey Olo’olaha isxiqaan oo ay wadaan.

Ole’olaha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan.

Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa Mudo Bil Kudhaw ku sugan Magaaladda Dhuuso-Mareeb Halkaasi oo ay ka wadaan dadaalo xoogan oo ay ugu jiraan Baadi-goobka Galmudug Mid ah.