G/Gedo: Howlgalo Kasocda Garbahaareey Kadib Dagaalkii Xalay Al-Shabaab ay kuqaadeen Saldhiga Ethobia.

0
249

Howlgalo Balaaran ayaa Ka socda Xilligan Degmeda Garbahaareey ee Gobolka Gedo kaasi oo ay iska kaashanayaan Ciidamadda DFS iyo Kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Ethobia.

Howlgaladan oo bilawday aroortii hore ee Saakay ayaa ka dambeeyey kadib Markii xalay Dagaalyahanadda Al-Shabaab Ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya Ay kulahaayeen Degmada Garbahaareey.

Ciidamadan isgarabsanaya ayaa Guri guri ubaaraya Guud ahaan Xaafadaha Degmedaasi.

Dad Goobjooge yaal ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Xalay Mar Qura’ kusoo tooseen Dhawaqa Madaafiic Al-Shabaabku ay la bartilmaamedaadeen Saldhigga Ciidanka Ethobia ee Halkaa ku sugan iyada oo ay xigtay weerar Toos ah.

Macada Khasaaraha rasmiga ee laba dhinac kasoo gaaray Dagaalkaas.