Ciidamada DFS Oo Xiray Wadada Ex-Contarol Afgoye iyo Cabsi Laga Qabo Qiimo Koror Ku Yimada Khudarta.

0
309

Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Lagu soo waramayaa in Saakay Ay Xireen Wadada Ex+Controle Afgooye oo ah Wado Muhiim ah.

Wadadan ayaa ah mid Muhiim u ah isku socodka Gaadiidka Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in Saakay ay Mar qura’ Dhaayahoodu Qabteen Laamaha Amaanka Oo ku Howlan Xeridda Wadada Laamiga ee Ex-Contarole Afgooye iyadda oo ay Mudooyinkanba Socotay Howlgalo Lagu Xirayo Wadooyinka Kale ee Mara Xaafadaha ee Looyaqaano Jid Cadeyaasha.

Waxaa inta Badan Wadadan isticmaala Gaadiidka Xamuulka ee isaga kala Goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaa sidookale wadadaa Muhimka Isticmaala Oo ku safra Gawaarida Dadeeynaha iyo kuwa Xamuulka ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Goboladda Bay, Bakool, iyo Gedo.

Gawaarida Khudaarta Kenta Muqdisho Miyaa Wadada Laga Xirtay?!!

Waxaa sidookale wadadaa ay muhiim utahay Dadka Shacabka ah ee Ku dhaqan Caasimada Muqdisho oo ay Khudaarta iyo Caanahaba ka soo galaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan Weli ka hadlin Talaabadda Lagu Xiray Wadada Laamiga ee Ex-Contarole Afgooye.

Waxaa Jira Walwal Xoogan Oo ay Qabaan Shacabka Ku dhaqan Magaaladda Caasimada ahi ee Muqdisho Oo Ah Magaalo Kala Xidh-xidhan Shacabkooduna Laga Jaray Wadada Qura’ Oo ay kasoo Gali jirtay Khudaarta Ugu badan oo ay dadkeedu isticmaalaan.